Deeq A. Posted February 26, 2020 Muqdisho (SMN) – In ka badan 100 dal ayaa balanqaadey 334 milyan oo Doolar si deynta looga cafiyo Soomaaliya, sidaas waxaa shaacisay Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF. Kristalina Georgieva, agaasimaha guud ee IMF, ayaa sheegtay in tani ay hoos u dhigeyso deynta guud ee lagu leeyahay waddanka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika. Iyaddoo soo saartay war-saxaafadeed, Georgieva ayaa u mahadcelisay dalalka yaboohay deeqda. IMF ayaa horaantii bishaan Febraayo furtay barnaamij lagu maalgelinayo deyn cafinta Soomaaliya. Qaanta lagu leeyahay waddankeena waxay gaareysaa 5.3 bilyan oo Doolar. View the full article Share this post Link to post Share on other sites