Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka Khasaare Geystay Oo Maanta Ka Dhex Qarxay Somaliland Iyo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Hadaaftimo)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta deegaanada gobolka Sanaag ku dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.

Dagaalkaasi oo saaka ka dhacay deegaanka Hadaaftimo, ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan, inkasta oo aan si rasmiya loo wada ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Taliska guud ee Ciidammada Millatariga Somaliland oo war ka soo saaray dagaalkaasi ayaa guullo ka sheegtay, iyadoona warkaasi lagu sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid.

Dhinaca kale, taliska ciidamada Puntland ayaa sheegay in saaka aroortii hore in ciidamo ka tirsan Somaliland weerar kusoo qaadeen Ciidamada Puntland, hase yeeshee ay iska difaaceen.

Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay ku filan tahay difaacidda dhulkeeda, waxaana loogu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda, ayada oo baaq loo diray dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka lagu sheegay in ayna Puntland mas’uul ka noqon doonin cawaaqibka ka dhashay dagaalka.

P-5-1.jpg

Sida dad deegaanka ayaa sheegaya in xaalka guud ee deegaanada saaka lagu dagaalamay laga dareemaya daganaan, kadib markii Ciidamada Somaliland ay ku noqdeen deegaanka Yubbe oo hore ay ugu sugnaayeen.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay inay cabsi badan dareemayaan, maadama ay saaka saacado badan ku dul dagaalameen ciidammada Puntland iyo kuwa Somaliland, ayna ka cabsi qabaan inuu dib u qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this