Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Iran oo Maraykanka u jeediyay eedayn la xiriirta Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha waddanka Iran Hassan Rouhani ayaa maanta oo Arbaco ah dowladda Maraykanka ku eedeeyey  in ay dalkiisa ku baahinayaan cabsi aan jirin oo ku saabsan faafidda cudurka Coronavirus.

Coronavirus ayaa dalka Iran ku dilay 19 qof oo ka mid ah 139-ka qof ee uu saameeyey, oo uu ku jiro wasiir ku-xigeenka caafimaadka, taasi oo Iran ka dhigtay dalka labaad ee ugu dhimashada badan cudurka kadib Shiinaha.

Madaxweyne Rouhani ayaa sheegay  Iran in aysan ogolaan doonin in dowladda Maraykanku  ay dalkooda ka abuurto cabsi daran oo la xiriirta Coronavirus.

Hadalkaas Rouhani ayaa yimid maalin kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo uu Iran ku eedeeyey in ay caburinayso akhbaaraadka ku saabsan cudurkan ka dillaacay dalkeeda ee Coronavirus .

Mr Pompeo sheegay in Iran ay qarinayso heerka rasmiga ah ee uu gaarsiisan yahay cudurkan.

Iran ayaa tan iyo Arbacadii la tacaaleysay inay xakameyso cudurkan, markaasi oo ay ku dhowaaqday labadii qof ee ugu horreeyey oo ku dhintay magaalada Qom, oo ah xarun lagu barto diinta Islaamka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Iran oo Maraykanka u jeediyay eedayn la xiriirta Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this