Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland iyo Puntland oo markale ku dagaalamay G/Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dolwad goboleedka Puntland oo saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka deegaanka Hadaaftimo oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana la sheegay inuu yimid, kadib markii ciidamada Somaliland oo u soo ruqaansaday dhinaca deegaankaaasi ay weerar xoogan kala kulmeen ciidamada maamulka Puntland oo ka agdhowaa halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu dhex-maray labada dhinac, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale Somaliland oo si adag uga hadashay dagaalkaas ayaa ku eedeysay inay soo qaaday Puntland, waxayna  sheegtay in ciidamadeeda ay guullo ka soo hoyeen.

Qoraalkaan oo ka soo baxay taliska milatariga maamulkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay inPuntland ay ka qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal intaba.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, basle ciidamada labada dhinac ayaa weli isku hor fadhiya goobihii lagu diriray.

Shalay ayey aheyd markii maamullada Somaliland iyo Puntland ay ku dagaalameen degmada Laasqoray oo ka tirsan isla gobolka Sanaag.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this