Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarumo ku yaalla Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla Caabudwaaq.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi ayaa sheegay in muddooyinkii la soo dhaafay aysan qaadan wax mushaar ah, islamarkaana ay cabashi=o ka yihiin arrintaasi.

Sidoo kale waxaa tirada askartaasi oo ka mid ah kuwa ay qarameysay dowladda ay ku sheegeen inay gaarayaan illaa 198 askari oo Boolis ah.

Ciidamadaan oo wata gaadiidka ayaa lagu soo warramayaa inay qabsadeen xarunta maxkamadda madaniga ee Caaqbudwaaq iyo saldhigga Booliska ee degmadaasi.

Xaaladda ayaa ah haatan mid cakiran, waxaana ciidamadu ay isku fidiyeen jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this