Deeq A. Posted February 26, 2020 Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo ka hadlayey fadhiga golaha ammaanka ayaa ka warbixiyey xaaladda ammaan ee Soomaaliya. Ugu horeyn ergeyga ayaa ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM uga mahadceliyey sida ay uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale James Swan ayaa khudbaddiisa wuxuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay hab caalami ah u martay nidaamka diwaangalinta rasmiga ah ee ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale QM ayaa tilmaamtay in howgallada ciidanka Xoogga dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay hoos u dhaceen marka loo fiiriyo bartamaha sanadkii 2019-kii. Qaramada Midoobay waxay dhanka kale soo dhaweysay sida ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu diyaarisay ciidamadeeda in ay la wareegaan ammaanka, marka ay dalka isaga baxaan ciidamada nabad ilaalinta ee ururka Midowga Africa ee AMISOM. AMISOM ayaa la filayaa maalamaha ugu dambeeya ee bishan Febraayo inay kun askari ka dhinto ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites