Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo la kulmay gabar naafo ah oo horey fariin ugu dirtay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15827101762935559.jpg?w=1000&ssl=

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Boosaaso ku qaabilay Ayaan Xassan Ducaalle oo ah gabar 7sano jir ah oo araga naafo ka ah, taas oo maalmo ka hor fariin Maanso ah u dirtay Madaxwayne Deni, si wax looga qabto xaaladda nololeed ee iyada iyo dadka ay isku baahida yihiin.

FB_IMG_15827101586793652.jpg?w=1000&ssl=

Kulanka uu Madaxweyne Deni kulan kulmay Ayaan, waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Ceydiid, xubno ka mid ah Ganacsatada Puntland, Xaawo Jaamac Cabdi oo iyana ka mid ah dadka araga naafada ka ah, una ololeysa dadka araga la’ iyo qoyska Ayaan.

Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan Ducaalle in ay hesho Dhakhtar dibedda ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtootada Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladdu wax ka qaban doonto Xaaladaha Nololeed iyo Waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee nool Puntland.

Ugu damveyn Ayaan Xasan Ducaalle ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay, waxayna ka mahadcelisay in Madaxweynuhu uu wax ka qabanayo Xaaladeeda Caafimaad iyo guud ahaan nolosha dadka araga naafada ka ah.

PUNTLAND POST

The post Deni oo la kulmay gabar naafo ah oo horey fariin ugu dirtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this