Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Dagaal Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa iska hor-imaad saaka ku dhexmaray gobolka Sanaga ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

Iska hor-imaadka ayaa saaka ka dhacay meel u dhow Yube, ilo madax bannaan ayaa Puntland Post u sheegay in dagaalkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac, inta la xiqiijiyey afar askari oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay Taliska ciidamaa Somaliland ayaa lagu sheegay in saaka subaxnimadii hore degaanka Kadhada oo 18 KM u jira tuulada Yube ee gobolka Sanaag uu ka dhacay ka dagaal u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland.

Somaliland ma sheegin khasaaraha ka dhacay dagaalkaas, balse waxay tilmaantay in ay hub iyo gaadiid ku qabsatay.

Puntland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dagaalka saaka ka dhacay meel u dhow degaanka Yube ee gobolka Sanaag.

Degaanka lagu dagaalamay ayaa hadda degan, balse waxaa jira gurmadyo labad dhinac soo gaaraya.

Shalay ayey ahayd markii degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag uu iska hor-imaad hal asakri ku dhintay ku dhexmaray Somaliland iyo Puntland.

Tan iyo sanadii hore 2019, dhowr jeer ayaa gobolka Sanaag dagaal ku dhexmaray Puntland iyo Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin: Dagaal Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this