Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo ka socda degmada Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo baaritaano ah oo ciidamada ammaanka saaka ay ka wadaan qeybo ka mid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka socdaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan gudaha degmadaasi, iyadoo ujeedkooda lagu sheegay amni xaqiijin.

Taliye ku xigeenka saldhigga Booliska Baardheere, ahna madaxa laanta dambi baarista ee degmadaasi, Guhaad Maxamuud Macalin Cumar oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey baaritaanadaasi.

Guhaad ayaa tilmaamay in ciidamadu ay dabagal ku hayaa rag habeysan oo habeen saddex guuddoomiye xaafadeed ku dilay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Magaalada Baardheere oo ay si wadajir ah uga howlgalaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka  Jubbaland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal liddi ku ah nabad galyada, kuwaas oo isugu jira dilal qorsheysan iyo weeraro ka yimaada dhanka Al-Shaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this