Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ‘duqeyn ku dilay’ sarkaalkii abaabulay weerarkii xerada Manda Bay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa war cusub ka soo saaray duqeyn ay 22-kii bishaan diyaaradahooda dagaalka ay ka fuliyeen degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Mareykanka ayaa shaaciyey in duqeyntaasi uu ku khaariyey labo sarkaal oo ka tirsanaa dagaalyahannada Al-Shabaab, islamarkaana midkood uu wax ka qorsheeyey weerarkii xooganaa ee sanadkan 2020-ka bilowgiisii lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.

Qoraalka ka soo baxay Mailatariga Mareykanka laguma shaacin magaca sarkaalkaasi, marka laga tago inuu abaabulay weerarkii lala eegtay saldhigooda Manda Bay.

Sidoo kale Mareykanka ayaa wacad ku maray inuu sii wadi doono howlgalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab, inta laga adkaanayo kooxdaasi.

Weerarkii lagu qaaday saldhigga Manda Bay oo si wadajir ah u dagan yihiin ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Kenya ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan, iyadoo lagu gubay illaa 6 diyaaradood oo ka mid ah kuwa fuliya howlgallada gaarka ah ee Mareykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this