Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Iska hor imaadka ayaa yimid yimid, kadib markii ciidanka huwanta ay weerareen saldhig  Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kumaan oo 28 KM u jira degmadaasi.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, basle maamulka magaalada Diinsoor ayaa guullo ka sheegtay weerarka ay qaadeen ciidamada DF iyo kuwa K/Galbeed.

Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this