Deeq A. Posted February 26, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Iska hor imaadka ayaa yimid yimid, kadib markii ciidanka huwanta ay weerareen saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kumaan oo 28 KM u jira degmadaasi. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, basle maamulka magaalada Diinsoor ayaa guullo ka sheegtay weerarka ay qaadeen ciidamada DF iyo kuwa K/Galbeed. Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites