Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo ku baaqday in doorashada Soomaaliya Wakhtigeeda lagu qabto

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladaha, iyo ururada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa war ay si wada-jir ah Talaadadi shalay u soo saareen ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan, sidii Soomaaliya looga qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Qoraal Af-Soomaali ku qoran oo ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in shaciga doorashada federaalka Soomaaliya ee ay dhawaan ansixiyeen Golaha Shacabka isla markaana uu 20-ki bishaan saxiixay madaxweyne Farmaajo, uu qeyb ka yahay hannaanka doorasho ee aasaasiga iyo lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan.

War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay garwaaqsanyihiin mas’uuliyadda saaran Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka si uu u hirgeliyo sharciga doorashada.

Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqeen sida dhakhsaha leh ee looga baahanyahay dhamaan dhinacyada ay hawshu khusayso oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka Federaalka ah, xisbiyada siyaasadda inay wada shaqeeyaan, iyagoo taageero ka helaya GMDQ oo guda geli doona hawsha hirgelinta sharciga doorashada.

Halkaan ka akhriso qoraalka Beesha Caalamka

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo ku baaqday in doorashada Soomaaliya Wakhtigeeda lagu qabto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this