Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin ceynkee ah ayuu ahaa Maxamud Xaaji, maamulihii ay dileen Mareykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud, waxaa 24-kii bishan duqeyn lagu dilay madaxii shirkadda Hormuud faraceeda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Salaad, ayaa laba gantaal lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel banaanka ka ah degmada Jilib halkaasna uu ku geeriyooday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Nin ceynkee ah ayuu ahaa Maxamuud Xaaji Salaad?

Cabdifatax Barre Maxamuud oo ay ilma adeero ahaayeen ninka lagu dilay Jilib, ayaa wareysi uu siiyey BBC-da waxa uu uga warramay aqoonta uu u lahaa iyo shaqooyinkii uu qaban jiray.

“Wax badan ayaan ka qaannaa Maxamuud. Waa walaalkey iga weyn. Wuxuu ahaa nin hal-door ah, oo Soomaali ah, oo dadka wax badan usoo qabtay. Taariikhdiisa ugu dambeysay haddaan wax ka sheegana, Maxamuud wuxuu ahaa nin u shaqeyn jiray hay’adaha, gaar ahaan MSF. Wuxuu ku dhashay kuna koray magaalada Jilib, halkaasoo aad looga yaqaanno, haddana muddo sannado badan ah wuxuu u shaqeynayay shirkadda Hormuud Telecom Soomaaliya”, ayuu yiri Cabdifataax.

Dhanka kale wuxuu beeniyay wararka sheegaya in Maxamuud Xaaji Salaad uu xubin ka ahaa ururka Al-Shabaab.

“Waxaa loo baahan yahay in qofka muwaadinka Soomaaliga ah aan lagu sheegin wax uusan ahayn, ninkaas sal iyo raad kuma lahayn waxaas, qof u sameysan noocaasna maba ahayn, ururna shaqo kuma uusan lahayn. Wuxuu ahaa nin gacansade ah oo shaqeysta kana tirsan shirkadda Hormuud, shirkaddaasna Al-Shabaab ma aha, xiriirna lama laha”, ayuu yiri.

Howlihiisa kale ayuu sheegay inay ka mid ahaayeen beeraha, wuxuuna yiri: “Sida ay dadkoo dhanba ogyihiin, meesha lagu weeraray waxay ahayd beertiisa, waa nin beeraley ah. Waxaan ka codsanayaa dadka walaalkey waxaas ku sheegay inay Alle ka baqaan”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this