Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar reer Makka ah oo loo xiray hees ay u qaaday gabdhaha magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   

Makka (Caasimadda Online) – Saraakiisha dalka Sucuudiga ayaa waxay amar ku bixiyeen in lasoo xiro gabar fanaanad ah kaddib markii la baahiyay hees ay qaaday oo ay ku amaaneyso haweenka ku nool magaalada barakeysa ee Makka.

Fanaanada heestaan qaaday oo lagu magacaabo Ayasel Slay ayaa waxaa Ereyada heesteeda kamid ahaa in Haweenka Makka Al-Mukarama ay yihiin kuwa Awood leh oo qurxoon.

“Gabadh reer Makka ah ayaa ah waxaad u baahan tahay oo dhan, ha ka xanaaqin, way ku dhaawaceysaa” Waa qeyb  kamid ah Heesta Fanaanad Ayasel oo sharaxaad ka bixineysay sida Gabar kasoo jeedo Makka ay uga qurxoon tahay ugana awood badan tahay gabdhaha kale ee Sacuudiga.

“Iyada hadaad heysato sunada waa dhameystiri kartaa (Waa guursan kartaa), nolosha aad iyada la qaadaneyso waa Janno” ayey ku tiri ammaanteeda Gabdhaha reer Makka.

Muuqaalka Heestaan ayaa waxaa markii hore lasoo geliyey barta Youtube-ka ee Fananaad Ayasel inkastoo markii dambe laga bixiyey.

Guddoomiyaha Magaalada barakeysan ee Makka ayaa tilmaamay in heesta ay qaaday fanaanadaan ay tahay mid fadeexad ku ah dhaqanka iyo caadooyinka ka jiro magaalada uu guddoomiyaha u yahay.

Guddoomiye Khaalid Feysal ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in xabsiga loo taxaabo dadkii ka dambeeyey in heestaan lagu faafiyo baraha Bulshada.

“Heesta ay qaaday fanaanadaan waa mid liddi ku ah dhaqanka Shacabka ku Magaalada Makka Al-Mukarama” ayuu yiri Khaalid Feysal.

Heesta ay qaaday fananaadaan ayaa si weyn looga farceliyey baraha Bulshada ee dalka Sacuudiga, waxaana Hashtag looga dhigay #You_Are_Not_Mecca’s_Girls.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this