Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ka qeylinaysa Jabhad ku xoogeysanaysa Buuhoodle

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa ka qeylisay jabhada SSC-da cusub oo si weyn uga soo horjeeda, taas oo ku xoogeysanaysa degmada Buuhoodle.

Wasiirka Howlaha Guud iuo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambe oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in jabhad nin dhalinyaro ah hoggaamiyo oo dhaqaale xoogan isticmaalaysa ay Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow ka wado abuubul xoogan.

Sidoo kale Wasiir Qambe ayaa ka dhawaajiyey in jabhada Buuhoodle uu ku soo biiray Faysal Falaalug oo horey ciidamada Somaliland weeraro gaadmo ah kaga soo qaadi jiray aaga Laascaanood.

Wasiirka Howlaha ee Somaliland ayaa eedeyn aan cadeymo wadan u jeediyey shirkadda shidaalka ee HASS, wuxuuna tilmaamay in ay taageerto jabhada Buuhoodle.

Basle maamulka shirkadda HASS oo ka jawaabay eedeynta Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland u jeediyey ayaa ku tilmaantay mid aan sal iyo raadtoona la ahayn.

Madaxa shirkadda HASS Cabdirisaaq Ibraahim ayaa sheegay in Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland ay uga baahan yihiin caddayn, haddii kale ay sharciga la tiigsan doonaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha shirkadda HASS Cabdiraxmaan Qorjoof oo Wasiirka Howlaha Guud ee Somaliland uu magaciisa ka sheegay warbaahinta ayaa tilmaamay in Wasiir Qambe uu shaxaad uu ka waayey dartiis sumcadooda u dilayo.

Shirkadda HASS ayaa kamid shirkadaha ugu waaweyn ee shidaalka keena Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo ka qeylinaysa Jabhad ku xoogeysanaysa Buuhoodle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this