Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Wasiir Khadiija Diiriye oo arrin halis caafimaad leh maanta ka sameysay garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caro iyo fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay muuqaal lasoo geliyey baraha Internet-ka, kaas oo ay ka soo muuqaneyso wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Muuqaalkan ayaa muujinaya wasiir Khadiija oo mar ay kasoo degaysay diyaarad rakaab ah diiday in laga baaro xanuunka Coronavirus oo dunida kusii baahaya, kaas oo dartiis dhaqaatiir caafimaad loo geeyey garoonka Aadan-Cadde in ay ka baaraan qof kasta oo kasoo degaya garoonka, si cudurka uusan dalka usoo gelin..

Wasiir Khadiija Diiriye ayaa markii ay kasoo degto diyaaradda waxaa qalabka lagu baaro dadka dhankeeda ula tallaabsaday nin ka mid ah dadka ku howlan baaritaanka dadka soo degaya, balse Khadiiro ayaa iska wareejisay ninka, kadibna gudubtay iyada oo aan la baarin.

Intaas kadib waxaa gees isugu baxaya shaqaalihii loo xilsaaray baaritaanka dadka garoonka kasoo degaya, iyagoo caro ka muujinaya u hoggaansami la’aanta nidaamka u degan garoonka ee wasiir Khadiijo sameysay, waxaana dhamaan diyaaradda kasoo degay dadkii kale ee rakaabka ahaa, iyadoo aan la marsiin wax baaritaan ah.

Inkastoo kaamirada duubtay dhacdadaan aysan laheyn wax maqal ah, hadana waxaa muuqaneysa, in sababta dadka kale ee rakaabka ah loo baari waayey ay tahay, in shaqaaluhu ka caroodeen u hogaansami la’aanta nidaamka garoonka ee wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ay ku kacday.

Arintaan ayaa muujineysa dhibaatada ay leedahay hadii qofka masuulka ah uu u hogaansami waayo ama uu iskala weynaado nidaamka iyo sharuucda dalka u yaalla.

Sida hada ka muuqata dhacdadaan ma jirto sabab dadka shacabka ah loogu canaado nidaam ay iska diideen mas’uuliyiintii loo doortay dalka, waana tan kalifay in dadkii kale la baari diido, markii ay baaritaanka diiday wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo aheyd qofkii koowaad ee kasoo degay diyaaradaas kasoo degtay garoonka Aadan-Cadde.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this