Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo shaaciyey 3 su’aal oo weli ka taagan sharciga doorashada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka ee QM ee Soomaaliya u gudbiyey warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya, wuxuuna carabka ku akdeeyey muhiimadda sanadkan 2020 uu u leeyahay Soomaaliya.

Swan oo ka hadlay sharciga doorashooyinka qaranka ee ay soo meel-mariyeen labada aqal, islamarkaana uu saxiixay madaxweynaha, ayaa sheegay in kasta oo uu yahay tallaabo horey loo qaaday, haddana uusan wax ka qaban su’aalo badan oo taagan.

Swan ayaa si gaar ah u xusay saddex arrimood oo weli aan la ogeyn sida loo maareyn doonaa, kuwaas oo sharciga doorashooyinka uusan jawaabo ka bixineyn, waxaana ay kala yihiin.

1 – Sida loo damaanad qaadayo laguna hirgelin karo qoondada 30% ah ee haweenka ay ku yeelanayaan kuraasta baarlamanka.

2 – Sida doorashada qofka iyo codka ah ee la isku raacay ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dhammaan daafaha dalka au uga dhiiban karaan codadkooda.

3 – Iyo Goobaha ay ka dhici doonto cod-bixinta.

James Swan ayaa ugu baaqay baarlamanka iyo guddiga doorashooyinka qaranka, in ayaga oo la tashanaya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay si deg deg ah u xalliyaan arrimahan, si diyaar garowga farsamo ee doorashada loo billaabo.

Swan ayaa sidoo kale sheegay inay qasab tahay in dowlad goboleeyada ay qeyb ka noqdaan wada-tashiyada, si loo xaqiijiyo in guddiga doroashooyinka ay xafiisyo ka furtaan dhammaan gobollada dalka oo dhan, si ay uga abaabulaan doorashada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this