Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shirkad caan ah la xiriirisay ‘maal-gelinta’ jabhadaha Buuhoodle

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta war ka soo saartay cida maal-gelisa Jabhad si weyn uga soo horjeeda Somaliland oo ka jirta magaalada Buuhoodle.

Wasiirka howlaha guud ee Somaliland, Cabdirashiid Qambi oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in shirkada shidaalka ee HASS ay maal-galiso Jabhadahaasi oo ka soo horjeeda maamulkooda.

Wasiir Qambi ayaa shirkada la xiriiriyey in Jabhadda SSC ee sida weyn uga soo horjeeda maamulkooda, ay si gaar ah u maal-galiso shirkada shidaalka ee HASS, inkasta oo uu soo bandhigin wax cadeymo ah.

Sidoo kale maalgelinta Jabhadahaasi ayuu Wasiirku la xiriiriyey dad kale oo uusan si cad u carabaabin, balse uu ku sheegay inay yihiin Ganacsato.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu Jabhadaha ka soo horjeeda maamulkooda ku tilmaamay kuwa sida ganacsiga oo kale ah oo lacag laga sameeyo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili ay shaaciyeen Jabhado ka jiray deegaanka Buuhoodle inay u midoobeen dagaalka ay kula jiraan Somaliland, kuwaasi oo ku midoobay Jabhada la magac baxday gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this