Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Khayre oo xarun uu dib u furay ku macneeyey inaan laga adkaan Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaamaanta xarigga ka jaray xarunta wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo dib-u-dhis lagu sameeyay.

Kheyre, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay fariin xooggan u diyaraan “kooxda argagaxisada ee qorsheynayay in wasaaradda shaqadeedu istaagto.”

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Al-Shabaab ay shaqadoodu tahay dilka iyo duminta, islamarkaana ay dhismaha wasaaaradda weereen iyagoo doonayay in dadka Soomaaliyeed niyad jebiyaan.

Waxa uu intaas ku daray in damacoodii la diiday oo dib-u-dhis casri ah lagu sameeyay wasaaradda, taas oo muujineysa in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aan laga hor istaagi karin horumarka ay hiigsanayaan.

“Qoladii is laheyd dadka Soomaaliyeed niyaddooda jebiya waxaa loo diray fariin tii hore ka culus waayo wasaaradda waxaa loo dhisay si ka wanaagsan sidii ay aheyd markii ay soo weerareen, hadii ay is lahaayeen dadka Soomaaliyeed ayaa laga nixiyaa, la qalbi jebiyaa ama hiigsigooda hoos loo dhigaa, waxaan leennahay dadka Soomaliyeed isma dhiibaan ma niyad jabaan, lagama adkaado, hiigsigooda kama tagaan, marka ugu dambeysana iyagaa guuleysanaya sida taariikhda Soomaaliyeed ay sheegto”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre

Dowladda Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shuruudihii deyn cafinta, waxaana IMF iyo Bangiga adduunka ay bishaan shaaciyeen in Soomaaliya ay muteysatay in deynta laga cafiyo.

Waxaa la sugayaa in dhawaan lagu dhawaaqo go’aanka deynta cafinta oo ay ka dhalanayaan fursado shaqo abuur ballaaran, waxaana wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ay muhiimad wayn u leedahay hoggaaminta fursadahaas dhallinyarada Soomaaliyeed shaqada loogu abuurayo.

BG5I3900.jpeg BG5I3911.jpeg BG5I4000.jpeg BG5I4059.jpeg BG5I4172.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this