Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ku-xigeen Dalka IRAN Oo Laga Helay Caabuqa Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN Iraj Harirchi ayaa laga helay Caabuqa coronavirus.

Wakaaladda Wararka IRAN ee Fars ayaa Twitter-ka ku baahisay Muuqaal uu ka hadlayo Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka IRAN oo xaqiijinaya inuu Haleelay Caabuqa coronavirus.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa Isniintii ka soo muuqday Shir-jaraa’id isaga aan muuqaal ahaan wanaagsanayn, isla-markaana masaxaya Wejigiisa.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka IRAN ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka uu haleelay Caabuqa coronavirus uu safka hore kaga jiray la dagaalanka caabuqaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this