Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdogan: Laba Askari ayaa nooga shahiiday Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimadda Online) – Laba kamid ah Askarta Dowladda Turkiga ee ku sugan dalka Liibiya ayaa dhimatay sida uu xaqiijiyey madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan.

Wakaaladda Wararka ayaa laga soo xigtay hadal uu dhahay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaasoo ahaa “Labo kamid ah ciidammadeena ayaa ku shahiiday Liibiya”.

Weerarka lagu dilay askarta Dalka Turkiga ayaa waxaa soo qaaday ciidamada uu hoggaamiyo janaraal Khaliifa Haftar oo mucaarad ku ah Dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Dalka Liibiya.

Jeneraalkaan dagaalka kula jiro Dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya ayaa la rumeysan yahay inuu taageero ka helayo qaar ka tirsan wadamada Carabta oo ay ugu horreeyaan Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Dhanka kale Dowladda Liibiya ayaa taageero ka heleyso wadamada Turkiga iyo Qatar, waxaana dhawaan halkaas ka gaaray ciidamo aad u qalabeysan oo ka tirsan Militariga Turkiga oo wato gawaarida gaashaaman.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Erdogan ayaa kusoo aadayo xilli la filayo inuu booqasho ku tago wadanka Azerbaijan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this