Deeq A. Posted February 25, 2020 Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose kula qaatay saraakiisha ciidanka ee ku sugan degmadaasi. Axmed Madoobe ayaa sarraakiisha daraawiishta Jubbaland kala hadlay dagalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ukuur galay xaaladda ciidamada, isaga oo booqday saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi. Jubbaland oo dagaal adag kula jirta Al-Shababab ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojisay dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda deegaanada maamulkaasi View the full article Share this post Link to post Share on other sites