Deeq A. Posted February 25, 2020 Xusni ayaa ku dhintay isbitaal ciidan oo ku yaalla Qaahira Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, oo Masar xakumayey dhawaad 30 sano oo is casilay kadib kacaan caan ah oo dhacay sanadkii 2011, ayaa dhintay isagoo 91 jir. Telefishinka dowladda ayaa Talaadadii maanta laga sheegay in Mubaraak uu u dhintay qalliin lagu sameeyay. Ninka uu soddoga u yahay, General Mounir Thabet, ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee AFP inuu ku dhintay isbitaalka militariga ee Qaahira Galaa. Mubaraak wuxuu soo noqday madaxweynaha Afraad ee Masar laga soo bilaabo 1981 ilaa xukunka laga tuuray waxa loogu magac daray kacaankii gugii carabta. Waa la xidhay sannado ka dib markii kacdoonku dhacay, laakiin waa la sii daayay sanadkii 2017 kadib markii lagu waayey eedeymahii lagu heystay badankood. Xariga Xusni ayaa argagax galiyay Masriyiin badan, oo kumanaan ah, kuwaa oo lagu daadiyay bartamaha Qaahira si ay u muujiyaan cadhadooda ka dhanka ah Maxkamada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore oo caan ah oo geeriyooday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites