Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Waxbarashada G/Banaadir oo xariga laga jaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee XFS Cabdullahi Goodax Barre iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Finsh ayaa xariga ka jaray xarunta Waxbarashada gobolka Banaadir oo muda 30-sano kadib dib loo hirgaliyay.

Xaruuntaasi oo qeyb ka noqon doonto xoojinta adeegyada Wabarashada, waxaana daahfurka xafiiskan goob joog ka ahaa hogaanada daladaha Waxbarasho ee dalka. iyadoo Xaruntan cusub laga hirgaliyay degmada Xamar Weyne, taasoo ka kooban dhowr qeybood oo bixin doona adeegyada Waxbarashada ee gobolka Banaadir, si loo helo waxabarsho taya leh oo bilaash ah iyo in laga baxo baahiyaha Waxbarasho ee taagan.

Masuuliyiintan ayaa kormeeray xafiisyada ay xaruntan ka kooban tahay waxayna ku kula dardaarmeen Madaxda xaruntani in ay dardargaliyaan horumarinta Waxabarashada Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay sida ay maamulkiisa uga go’12-2-300x200.pngan tahay horumatinta Waxabarshada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this