Deeq A. Posted February 25, 2020 Isu duwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Rodney Hunter ayaa golaha ammaanka ka jeediyay khudbad uu uga hadlay xaalada amnaan, tan siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee Soomaaliya. Rodney Hunter ayaa golaha ammaanka ka sheegay in sanadkaan Soomaaliya uu u yahay mid la filayo in hormar laga sameeyo deyn cafinta, kobaca dhaqaalah iyo ammaanka. Sidoo kale isu duwaha siyaasada ee Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa khudbaddiisa uga hadlay sida dowladda Soomaaliya ay ciidankeeda ugu diyaarisay in ammaanka dalka ay si buuxda ula wareegaan marka ay dalka ka baxaan kuwa AMISOM. Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday ciidanka dowladda federaalka ay bishii lasoo dhaafay geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in taasi ay tahay mid laga leeyahay dano siyaasadeed oo aan la aqbali Karin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites