Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulihii Hormuud ee Jilib oo duqeyn lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa la sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah ay ku dileen maamulihii shirkadda Hormuud laanteeda degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Salaad, wuxuuna xilliga uu dhacayey weerarka ku sugnaa beer ku lahaa gudaha magaaladaasi.

Dhinaca kale war qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah lagu dilay sarkaal ka tiranaaa Al-Shabaab.

 

Maalmihii u dambeeyey dowladda Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this