Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal S/LAND iyo Puntland ku dhexmaray LAASQORAY

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland oo saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waooyiga Somalia.

Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhexmaray ciidamo ay kala wateen guddoomiyaha gobolka Sanaag ee dowlad goboleedka Puntland Cali Xuseen iyo guddoomiyaha degmada Badhan ee maamulka Somaliland Maxamuud Xaamud.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay dagaalkan, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, kaas oo haatan lagu dabiibayo xarun caafimaad oo ku taalla Laasqoray.

Sidoo kale ilo deegaanka ah aya innoo dheegay in weli cabsi ay ka jirto gudaha degmada, islamarkaana laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda.

Somaliland iyo Puntland oo isku haya gobollada Sool iyo Sanaag ee ku yaalla waqyooyiga Somalia ayaa marar badan ku dagaalamay deegaano hoostaga gobolladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this