Deeq A. Posted February 25, 2020 Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa khudbad ka jeediyay kulanka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana uu si weyn uga hadlay guud ahaan xaaladda siyaasadeed iyo isbadallada ka jira Soomaaliya. James Swan ayaa khudbada uu ka jeediyay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay qodobada uu uga hadlay waxaa ka mid ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la filayo in ay dalka ka dhacaan, khilaafka dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, ciidamada la geeyay qeybo ka mid ah gobolka Gedo iyo xaaladaha siyaasadeed guud ahaan dalka. Sidoo kale James Swan ayaa khudbadiisa wuxuu uga hadlay barnaamijka deyn cafinta dhameystirka dastuurka iyo dagaalka adag ee dowlada dhexe ay kula jirto Al-Shabaab. Danjire James Swan ayaa sheegay in Soomaaliya ay markii ugu horreysay soo gudbisay warbixin ku saabsan arrimaha ban’aadanimada,i yadoo Soomaaliya ay saxiixday heshiiskii Kampala oo Soomaaliya ay ku ballan qaaday ilaalinta iyo ka kaalmeynta barakacayaasha. Ambassador James Swan ayaa sidoo kale ku dheeraaday sida dowladda Soomaaliya ay u qaban qaabineyso doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhici doona 2021-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites