Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo saddex mas’uul ku dishay Baarddheere+Magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab dilal qorsheysan ay ka geysteen gudaha degmada Baardheere oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen qeybo ka mid ah magaalada Baardheere, iyagoona guryahooda kala soo baxay illaa saddex guuddoomiye Laameed oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in raga hubeysan ee ka tirsanaa Al-Shabaab ay markii dambe ay toogasho ku dileen labo ka mid ah gudoomiyeyaasha, halka midka sadexaadna ay gowraceen, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka oo lagu kalsoon yahay.

Magacyada mas’uuliyiinta la dilay ayaa lagu kala sheegay, Cabdi Santuur oo ahaa guddoomiyaha laanta Buulo-Kuulow, Jibriil Maxamed oo isna ahaa guddoomiyihii hore ee laantaasi iyo Carab Jiis oo ahaa guddoomiyaha laanta Dabaqoray ee degmada Baardheere.

Illaa iyo hadda ma jirto faah faahin dheeri ah oo maamulka gobolka Gedo iyo sidoo kale kan degmada Baardheere ay ka bixiyeen toogashadaasi, iyadoona dagaalyahannadii  Xarakada Al-Shabaab ee fuliyey dilka ay goobta isaga baxsadeen, falka kadib.

Dhacdadaan ayaa waxaa saaka sidoo kale si aad ah u hadal haya dadka deegaanka oo cabsi amni ay soo wajahday.

Gedo ayaa ka mid ah gobollada ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab oo weeraro gaadma ah ku qaada saldhigyada ciidamada ee gobolkaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this