Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo dishay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, ayaa la sheegay in xalay ay  sadex Gudoomiye waaxeed ku dileen degmada Bardheere, kuwaasi oo ay midkood gowraceen

Al-shabaab ayaa xalay gudaha u galay degmada Baardheere, islamarkaana hawlgal saacado kooban qaatay ay ka fuliyeen gudaha degmadaaas.

Cabsi xoog leh ayaa saakay laga soo sheegayaa in ay ka jirto degmada Baardheere ee gobolka Gedo, taasi oo soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool halkaas.

Saddexda mas’uul ee ka tirsanaa maamulka degmada Baardheere oo Al-shabaab dishay ayaan weli la shaacin magacyadooda.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo dishay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baardheere appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this