Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex guddoomiye waaxeed oo lagu dilay Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo xalay rag ka tirsan Al-Shabaab ay ka geysteen gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in siyaabo kala duwan gudaha magaaladaasi loogu dilay illaa saddex guddoomiye waaxeed oo ka tirsanaa maamulka degmadaasi.

Magacyada mas’uuliyiinta la dilay oo guryahooda lagala baxay ayaa lagu kala sheegay, Cabdi Santuur oo ahaa guddoomiyaha laanta Buulo-Kuulow, Jibriil Maxamed oo ahaa guddoomiyihii hore ee laantaasi iyo Carab Jiis oo ahaa guddoomiyaha laanta Dabaqoray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah mas’uuliyiintaasi la gowrcaday, halka, labada kalena lagu dilay rasaas nool nool, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka h.

Raggii falkaan geystay ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaan dhacdadaan saaka si aad ah looga hadal hayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this