Sign in to follow this  
Deeq A.

A/Madoobe oo wada abaabul ugu dambeeyey ee Jubbaland ku qabsaneyso Bu’aale

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay ku hoyday degmada Dhoobley ee gobolka J/ Hoose ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada ee ku sugan halkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

Ilo ku dhow kulankaas ayaa sheegay in diirada la saaray, sidii dhowaan loo qaban lahaa degmada Bu’aalo oo ah caasimadda Jubbaland, taas oo gacanta ugu jirta Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in Axmed Madoobe saacadaha soo socda uu kormeeri doono xarumaha ay ku sugan yihiin askarta, si uu uu qiimeeyo xaalada guud.

Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyey xoojisay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay ka wado gobolada Jubbooyinka oo uu culeyska ugu badan uu ka heysto maamulkaas.

Abaabulka uu hadda wado madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe dhaq dhaqaaqyo milatari ay ka socdeen deegaanada Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this