Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska AFRICOM oo baaris ku wada duqeyn ay ku dileen mas’uul ka tirsan Shirkada Hormuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal sare oo ka tirsan howlgalka Mareykanka Afrika ee AFRICOM waxa uu sheegay in aysan hayn wararka sheegaya in duqeyn shalay gelinkii dambe ay ka geysteen Degmada Jilib in ay ku dileen Madaxii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Degmadaasi.

Taliska sheegay in ay duqeynta ay isla ogaayeen Dowladda Federalka Soomaaliya, isla markaana ay bartilmaameedsadeen xubin katirsan Al-Shabaab oo uusan magaciisa iyo darajadiisa sheegin.

Sarkaalka ayaa tilmaamay in baaris kadib ay soo gudbin doonaan natiijada uga soo baxda, maadaama aysan hayn in qof shacab ah waxyeelo ka gaartay howlgalka ay wadajirka u fuliyeen ayuu yiri sarkaalkaan oo la hadlay VOA-da

Dhinaca kale mas’uul ka tirsan Shirkadda  Hormuud ayaa VOA-da u sheegay in  duqeynta uu ku dhintay Maxamuud Xaaji Salaad oo ah Nin wakiil uga ah Shirkadda Hormuud Laanta Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

PUNTLAND POST

The post Taliska AFRICOM oo baaris ku wada duqeyn ay ku dileen mas’uul ka tirsan Shirkada Hormuud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this