Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM oo ka jawaabtay warka sheegaya inay dileen maamule ka tirsan Hormuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa ka hadlay warar sheegaya in duqeyn shalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen maamule ka tirsanaa shirkadda Hormuud.

Cadnaan Xaaji Cali oo ka tirsan shirkadda Hormuud ayaa VOA u sheegay in duqayntaas uu ku dhintay Maxamuud Xaaji Salaad oo ahaa maamulihii shirkadda ee magaalada Jilib.

Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan dhacdadan, islamarkaana ay dib u eegi doonaan akhbaaraad kasta oo dheeri ah oo ku saabsan dhacdadan oo laga helo dhinacyo saddexaad.

“Waxaan u hoggaansami doonnaa xeerarka dagaalka, waxaana qaadan doonnaa taxaddar inta aan ku gudo jirno beegsiga dadka la tuhunsan yahay,” ayuu yiri afhayeenka.

Maraykanka ayaa shalay sheegay in duqaynta ay gaysteen ay ku dileen xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyo inaan wax rayid ah wax ku noqonin duqayntaas.

Hase yeeshee, Cadnaan Xaaji Cali ayaa VOA u sheegay in ninkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn urur ama koox, waxaana uu sheegay inuu ahaa nin rayid ah oo shirkadda u shaqaynayey tan iyo intii la aasaasay.

Maxamuud Xaaji Salaad ayaa la sheegay inuu ku sugnaa beertiisa markii duqayntu dhacday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this