Sign in to follow this  
Deeq A.

Jawaab laga bixiyey weerar uu CALI GEEDI ku qaaday shirkii beesha Mudulood

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa si carro leh ugu jawaabay hadal ka soo yeeray ra’iisul wasaare hore Cali Maxamed Geedi oo xalay munasabad kasheegay dadkii Mudulood ee shalay kulmay ay yihiin kuwa  uu stress hayo.

Xasan Mudey ayaa bartiista facbooka sidan kusoo daabacay :-

Nin ku yimid jago uu lahaa halyeeygii Maxamed Dheere (AU) ee siyaasaddiisu ka billaabatay maalintii uu jagada reysul wasaaranimo qabtay, aqoontiisuna aheyd daweeynta xoolaha, waan dareemi karaa in uu jahwareer ka qaadi karo jihada saxda ah ee siyaasadda ka jiri karto.

Waan u garaabayaa walaalkeey, waana dareemi karaa marka uu rabo in makarafoon cod dheer leh gacanta ku qabsado sida uu uga wal walo hadalkiisa inta uu ugooyn karo.

Waxaan aad ugu aqaan in uu yahay shakhsi aanan ka ganban wax kasta oo mudan in laga xishoodo iyo in laga fikiro xushmada ay mudan yihiin ehelkii shalay isagoo dabiiba xoolaha isugu daray jago reysul wasaranimo iyo in ay ku difaacaan xilka uu ku matalayay.

Stresska uu sheegay wuu jiraa, wuxuuna ubadan yahay ruuxa ka hadla wax uusan aqoonteeda laheyn, marka waxaan leeyahay walaalkeey in ay kala duwan yihiin daawada xoolaha iyo midda dadka oo aysan isku midna noqon karin.

Waxaan ugu baaqayaa ninkasta ee raba in uu hadlo in uu isku dayo isu soo dhawaansho iyo midnimo ee aanan loo hadlin hababka macaashka loo raadiyo.

Hassan Abdulkhader Mudey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this