Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Mahdi: Mudullood cidna shir uma diidi karto, dalkana waxaa lagu maamulaa nidaam Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ka hadlay shirkii lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Muqdisho ee beesha Mudullood ayaa sheegay in aysan jirin cid u diidi karta beesha Mudullood in ay shirto.

Cali Mahdi ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu dhegihiisa ku soo dhacaayey war ah “Mudullood ma shiri karo” balse ay si sharci ah u shiraayaan, sida Soomaalida kalena ay u shiraan.

“Mudullood qabiil maaha, waa qowmiyad Ilaahey ka dhigay garabka midig ee qaranimada Soomaaliya, sidaas darteed Mudullood xaqbuu leeyahay, qof diidi karta oo Alle abuurtayna majirto” ayuu yiri Cali Mahdi oo caro laga dheeha karay hadal jeedintiisa.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Marka aan leeyahay Mudullood waa qaran, ulama jeedo in uu kaligiis qaran yahay ee Soomaali oo wada jirta ayuu qaran ku yahay, Soomaali oo wax qeybsaneysa ayuu qaran ku yahay, laakiin markii ay gaarto in bahasha hoos la iskugu dhigo ma yeeleyno cid laga yeelaayana ma jirto”.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore Cali Mahdi ayaa sheegay in maanta ay haboontahay in Soomaali loo qabto shirweyne qaran “Soomaali mideysan hadii la helo dowlad shacbiyad heysata ayaa soo baxeysa”ayuu yiri.

Mar uu soo hadal qaaday nidaamka federaalka ee dalka lagu maamulo ayuu sheegay in inta dalkaan lagu maamulaayo federaal uu qaran Soomaaliyeed noo jiro inta cirku jiro.

“Hadii gobol walba calan qabiil ah laga suray, ka Cali Mahdi ahaan qaran Soomaaliyeed oo xoog leh inta cirku noo jiro ayuu noo jiraa, federaalka aan ku dhaqano Itoobiya ayaa iska leh, anagu waan ka diidnay xilligeenii, balse Nairobi ayaa lagu soo dhisay, waxaana federal loo keenay qaran adag in uusan dalkan ka dhalan”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this