Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Boqolaal dadweyne ah Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhawaysay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagan ka howlgala.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intu Dhoobley ku sugan yahay la kulmi doona Dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Deegaanka.

Image may contain: 8 people, people standing and outdoorImage may contain: 8 people, wedding and outdoorImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: 5 people, people standing

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this