Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo diyaarad ku tagay Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15825488878936567.jpg?w=1000&ssl=

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe oo safar cirka ah ku tagay Dhoobley, waxaa soo dhaweeyey boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

FB_IMG_15825488731373769.jpg?w=1000&ssl=

Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehelinayaan sarakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagaas ka howlgala, sida lagu sheegay war ka soo baxay Jubbaland.

FB_IMG_15825488795033716.jpg?w=1000&ssl=

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la sheegay inta uu Dhoobley ku sugan yahay in uu la kulmi doono qeybaha bulshada iyo masuuliyiinta maamulka degaanka.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo diyaarad ku tagay Dhoobley appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this