Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyey miisaaniyad gaareysa 17 Malyan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah oo looga doodayey Miisaaniyadda ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaas.

Xildhibaanada oo dood dheer geliyey miisaaniyadda ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa ugu dambeyn isku raacay ansixinta Maasaaniyadaas oo gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Cali Gacal ayaa sheegay inay Xildhibaanada Galmudug u codeeyeen Maasaaniyadda lasoo gudbiyey isla markaasna ay hadda wixii ka dambeeyo tahay mid ansax ah.

Miisaaniyadda Maamulka Galmudug ayaa waxay sanadkii 2018 aheyd 8 Malyan, waxayna sare u kacday 50% marka la fiiriyo Miisaaniyadda sanadkaan 2020.

Fadhigii Maanta ay Baarlamaanka Galmudug ku ansixiyeen Miisaaniyadda sanadkaan 2020 ayaa waxaa loo diiday inay ka qeyb galaan Saxaafadda.

Ilaa hadda Guddoonka Baarlamaanka Galmudug faahfaahin kama bixin sababta keentay in saxaafadda loo diido isla markaasna ay noqoto ansixinta Miisaaniyadda 2020 mid qarsoon.

Maamulka Galmudug ayaa hadda ku jiro xaalad jahwareer ah, waxaana iska garab dhisan illaa seddex Maamul oo ay kala hoggaaminayaan Ahlu Sunna, Dowladda Federaalka iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo aaminsan inuusan weli dhammaan waqtigiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this