Deeq A. Posted February 24, 2020 Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xilka qaadis ku sameeyey 3 wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada maamulkaasi. Wareegta ka soo baxay xafiiska madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa xilalkii looga qaaday wasiirka waxbarashada C/raxmaan Cismaan Malaaq, wasiirka shaqada & shaqaalaha Feysal C/laahi Cali iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Jabriil Maxamuud. Sidoo kale waxaa xilka wasiirka waxbarashada loo magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan, halka wasiirka shaqada & shaqaalaha loo magacaabay C/uqaadir Cumar Cabdllaahi , sidoo kale wasiir ku xigeenka waxbarashada ayaa loo magacaabey C/fitaax Isaaq Maxamed. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u aqriyey digreetada, isagoona sababta xilka qaadistaan ku sheegay inay la xariirto baahi loo qabo dardar gelinta howlaha maamulka iyo shaqooyinka horyaalla. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Turki.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites