Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka  Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xilka qaadis ku sameeyey 3 wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada maamulkaasi.

Wareegta ka soo baxay xafiiska madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa xilalkii looga qaaday wasiirka waxbarashada C/raxmaan Cismaan Malaaq, wasiirka shaqada & shaqaalaha Feysal C/laahi Cali iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Jabriil Maxamuud.

Sidoo kale waxaa xilka wasiirka waxbarashada loo magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan, halka wasiirka shaqada & shaqaalaha loo magacaabay C/uqaadir Cumar Cabdllaahi , sidoo kale wasiir ku xigeenka waxbarashada ayaa loo magacaabey C/fitaax Isaaq Maxamed.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u aqriyey digreetada, isagoona sababta xilka qaadistaan ku sheegay inay la xariirto baahi loo qabo dardar gelinta howlaha maamulka iyo shaqooyinka horyaalla.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Turki.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this