Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu Sunna oo qabatay askari dil ka geystay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta ku dhigeen askari maanta dil ka geystay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarunta INJI, waxaana loo geystay askari kale oo ka mid ahaa ciidamada Ahlu Sunna Waljaamaca.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dilka uu yimid, kadib markii uu maran soo kala dhex galay labada askari.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga wax dilay ee la qabtay uu ka mid yahay ciidanka ilaalada ee wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Saada Sh. Yuusuf.

Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay Dhuusamareeb ayaa ansixiyey miisaaniyadda maamulkaasi ee sanadkaan 2020-ka.

Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay miisanadaan oo ka badan tii sanadkii hore ee 2019-kii.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/War-Cali-Gaab.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this