Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Casho Sharaf U Sameeyey Wafti Ka Socday Dalka Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Casho sharaf u sameeyay Wafti ka socda Hay’adda iskaashiga horumarka caalamiga ah ee Waddanka Taiwan oo lagu magacaabo International Cooperation Development Fund (ICDF) Waftigan oo muddo toddobaad ah kusugnaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa uu qayb ka yahay iskaashiga labada dal ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Dawladda Taiwan ee dhinacyada Beeraha, Caafimaadka iyo Horumarinta dhanka Tijnoolajiga.

Kulankan oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumun Seed, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, Gudoomiyaha Hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka Faysal Cali Sheekh.

87303252_2722765754503927_65974805845728 87498667_2722765987837237_47422645476230 87238513_2722765851170584_94196825451397

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this