Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Iskusoo Bax Lagu Taageerayay Raysal Wasaaraha Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Weerar bambaano oo lagu qaaday isku soo bax lagu taageerayo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 30 qof Axadii shalay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (60 mayl) dhanka galbeed ka xigta magaalada Addis Ababa.

Arasa Merdasa, oo ah sarkaalka ugu sareeya booliiska gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, oo ah halka ay ku taallo Ambo uu ku sugan yahay, ayaa dhacdadaan u sheegay wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Booliska waxaay xidheen lix qof oo looga shakisan yahay weerarka.

2020224637181086705099604.jpg

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kama uu soo xaadirin dibad-baxdii Axadda, oo ay soo agaasimeen mas’uuliyiinta Ambo ah.

Xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa  su’aal ka keenay in doorashooyinka August noqon doonaan kuwo nabad ah oo la isku halleyn karo, xilli ay  rabshado qowmiyadeed oo isdaba joog ah dhacayaan tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Aby Ahmed sannadkii 2018.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this