Sign in to follow this  
Deeq A.

CC: Qolada xukunka heysata waxey rumaysan yihiin in maquuniska beelaha ay awooda dowladeed xoojinayso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan shirarka kala duwan ee ay maalmahaan yeelanayeen beelaha Soomaaliyeed.

Ugu horreyn wuxuu sheegay shirkii beesha Kuumade ee Kismaayo sanadkii hore ka dhacay, kii Habargidir ee Hobyo lagu qabtay, kulankii Beesha Xawaadle ee Hotel Giyaajo, shirka watashiga Mudulood ee Muqdisho ka furmay, gogosha beelaha Puntland ee Garowe ku ballansan, iyo qaylo dhaanta Somaliland ay isaga mid yihiin in dowladda federaalka ah ay buuxin weysay kaalintii beelaha.

Halkaan hoose ka aqriso:

Haddii aad u kuurgasho shirkii beesha Kuumade ee Kismaayo sanadkii hore ka dhacay, kii Habargidir ee Hobyo lagu qabtay, kulankii Beesha Xawaadle ee Hotel Giyaajo, shirka watashiga Mudullood ee Muqdisho ka furmay, gogosha beelaha Puntland ee Garawe ku ballansan, iyo qaylo dhaanta Somaliland ee loo isticmaalay qunbuladda Abiy Axmed, waxey isaga mid yihiin iyo dowladdii oo kaalintii beelaha buuxin weysay.

Sidan oo kale beelahani markii ay saluugeen xukunkii millateriga ahaa, loona diiday masaaxad siyaasadeed oo ay fikirkoooda ku cabbiraan, cabashadoodana ku tebiyaan ayey furteen jabhado (SSDF, SNM, USC, SPM), waxeyna rideen rajiimkii miltariga ahaa ee dalka 21 sano xukumayey. Beelaha kale ee Soomaaliyeed na intooda badan waxey la kala safnaayeen jabhadaha iyo rajiimka.

Waxaa maanta muuqda taariikhdii oo mar kale dib isku soo celinaysa. Qolada xukunka heysata iyo taageerayaashooda waxey rumaysan yihiin in maquuniska beelaha tun waynida sheeganaya ay awoodda dowladeed xoojinayso, halka qabiilladani aaminsanyihiin in iyaga la’aantood aysan dowladi xoogaysan karin, qaranna dhismi karin.

Tabashada ma qabaan beelahan oo keli ah. Waxaa jira beelo kale oo tabasho ka qaba beelahan qudhooda oo sidaas Al-Shabaab ugu biiray, ama rajiimka haatan talada hayana sababtaas ku taageersan.

Way dhici lahayd in la isku gacan qaado, laakiin waxaa miisaanka dheellitiraya cududda ciidan ee AMISOM, Al-Shabaab oo cid walba cadow u ah iyo daal laga qabo waayihii qaraaraa ee ina soo maray.

Haddii daandaansiga iyo san fara ka gelintu sii socoto, lana yiraahdo jaranjaradii xukunka lagu fuulay waa la qaaday, si looga dagana ma jirto, sharci iyo dastuurna daaqadda ayaa laga tuuray, waxaa hubaal ah in ay u badan tahay in ragga Villa Somalia jooga ee bambo gacmeedka gaanjadiisu furan tahay la wareegaya, cid walbana ku guulguulaya, kuna faanaya in qolooyin sheeganaya in ay taangiyaal yihiin ku baacsadeen ay bambadu goor ay ahaataba nagu wada qarxi doonto.

Su’aashuse waxey tahay ma is wada badbaadin karnaa? mise waxaan laga baaqsan karin in aan mar kale qarax ismaadiis ah ku wada dhimano ?.

Haddii caqligu shaqeyn waayo, caadifaddaa talin doonta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this