Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo DF ku dhaliilay weerarkii Ceel-Saliini ee askarta badan lagu laayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ay Arbacadii Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda federaalka ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Sh/Hoose.

Mahad Salaad ayaa dhowr su’aalood ka keenay weerarkaasi, isaga oo ku dhaleeceeyey dowladda Soomaaliya inay dayacday askarta lagu laayey halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in illaa iyo hadda aysan ka hadlin weerarka, una tacsiyeen ehellada ciidamada meeshaasi lagu dilay. 

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaanka.

XASUUQA CEEL SALIINI ma xalbaa dowladu bidday mise waxaa jira qorshe durugsan oo lagu dabargoynayo wiilasheena?!

Hubkaan iyo gaadiidkaan waxaa Alshabaab ku qaateen wareerkii maalintii Arbacada ay ku qaadeen Saldhiga degaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale sawirada gaadiidkaan waxaa wehliyay sawiro kale oo laga qaaday askar meyd ah iyo kuwa inta nolosha lagu qabtay si arxan daro ah loo dilayo.

Alshabaab waxay sheegteen in weerarkaas ay ku dileen 42 askari oo katirsan ciidamada dowlada, ayna ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo hub aad u farabadan. Dowlada Federaalka ilaa hada sooma hadal qaadin qasaaraha naf iyo maalba leh ee ciidamadeena soo gaaray. Umana tacsiyeen eheladii askartii meeshaas lagu laayay. Shan bilood kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale Alshabaab ciidamada dowlada ku xasuuqeen Ceel Saliini, gadiid iyo hub farabadana ku qaateen. Intii yareed ee ka badbaaday xasuuqana xabsiyada ayay dowladu u taxaabtay!

Hadaba waxaa in la iswaydiiyo mudan wiilashaan maalin walba Xamar iyo labada Shabeelle laga sii daabulayo ee Alshabaab xeryaha inta loogu xareeyo hadana ku xasuuqayaan, dowladu ma xalbay bidday mise waxaa jira qorshe durugsan oo lagu dabargoynayo wiilasheena?!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this