Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsanaa ciidamada Ahlu Sunna oo lagu dilay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil goor dhow askari ka tirsanaa ciidanka Ahlu Sunna Waljamaaca loogu geystay magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay askari kale oo ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna, wuxuuna falka ka dhex dhacay xarunta INJI ee gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid yahay ciidamada ilaalada ee wasiirka amniga Galmudug, Saadaq Sheekh Yuusuf oo isna ka tirsan Ahlu Sunna.

Ilo lagu kalsoon yahay aya Caasimada Online u sheegay in dilka uu yimid, kadib markii uu maran soo kala dhex galay labada askari oo la sheegay inay qaraabo yihiin.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in askariga ka dambeeyey falkaasi ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga, islamarkaana la xiray.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan dilka loo geystay askarigaasi.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo muddooyinkii dambe xarunta INJI iyo guud ahaan Dhuusamareeb laga dareemayey dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ka socda halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this