Deeq A. Posted February 24, 2020 Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga warbixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay markale ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe. Warkaan ayaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah oo shalay ka dhacay agagaarka magaalada Dujuuma ay iska kaashadeen ciidanka Soomaaliya iyo AFRICOM. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in duqeyntani lagu dhaawacay illaa saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyey saldhiga ciidan. Halkaan hoose ka akhriso: Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidanka Mareykan ee taliska fadhigiisa Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn ka fuliyay meel u dhaw magaalada Dujuuma ee Soomaaliya. Duqeyntan oo ahayd mid qorsheysan ayaa lagu dhaawacay saddex xubin oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaa lagu burburiyey xarun Al-shabaab oo halkaa lagu ogaa waa sida hadalka loo dhigay. DFS iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykan ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo laga taxadarayo waxyeellada shacabka inta lagu gudajiro ladagaalanka Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedo walba oo soobaxa Imankadan la joogo ma jirto cid rayid ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey weerarkan isaga ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites