Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in duqeyn culus lagu burburiyey saldhigga SHABAAB ee Dujuuma

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda federaalka ayaa waxaa looga hadlay duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay markale ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah oo ka dhacay meel u dhow magaalada Dujuuma ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo AFRICOM.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warkaan in duqeyntani lagu dhaawacay illaa saddex xubnood oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in duqeynta lagu burburiyey saldhig weyn oo kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd halkaasi.

Todobaadkaan diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa duqeymo khasaare xoogan geystay ka fuliyey deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka.

Halkaan hoose ka aqriso Warsaxaafadeedka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidanka Mareykan ee taliska fadhigiisa Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn ka fuliyay meel u dhaw magaalada Dujuuma ee Soomaaliya.

Duqeyntan oo ahayd mid qorsheysan ayaa lagu dhaawacay saddex xubin oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaa lagu burburiyey xarun Al-shabaab oo halkaa lagu ogaa waa sida hadalka loo dhigay.

DFS iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykan ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo laga taxadarayo waxyeellada shacabka inta lagu gudajiro ladagaalanka Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedo walba oo soobaxa Imankadan la joogo ma jirto cid rayid ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey weerarkan isaga ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this